Warbixin ku saabsan xuquuqda uu leeyahay qofka dhibbanaha ah (somaliksi)

Qormadaan yar waxaa lagu soo uruuriyey arrimaha uu qofka dhibbanaha ah xaqa ugu leeyahay inuu warbixinahooda ka helo hawlwadeennada dowladda. Warbixinuhu waa kuwo ku xiran oo isla bedbeddalaaya hadba baahida dhibbanaha, xaaladdiisa shakhsi ahaaneed iyo nooca dambiga. Waxaa kaloo qormadaan aad ka helaysaa meelaha aad la xiriiri karto iyo linkiyo internetka ah, kuwaas oo ku qoran dhammaadka bogga.

Waxaa aad muhiim u ah in qofka dhibbanaha ah uu wargelinta dambiga u gudbiyo booliska. Wargelinta waa in loo sameeyaa sida ugu dhakhsaha badan, si baaritaanka dambigu uu u fududaado. Wargelinta waxaa laga samayn karaa tusaaale ahaan xarunta booliska, ama qaab elegtoroonig ahaan ah ayaa looga samayn karaa adeegyada internetka ee booliska. Dhibbanaha loo gaystay xoogsheegashada xagga jinsiga sama galmoodka ah (seksuaaliväkivalan uhri), waxaa uu wargelinta dambiga ka samayn karaa xarunta taageerada Siri (Seri-tukikeskus) ee loogu talaggalay dhibbanayaasha loo gaystay xoogsheegashada jinsiga ama galmoodka. Dhibbanuhu waxaa uu xaq u leeyahay in la siiyo qoraal caddayn ah oo muujinaaya wargelinta dambiga ee uu sameeyay.

Dhibbanaha dambiga waxaa uu u baahan karaa caawimaad dhakhtar ama adeegyada kale ee arrimaha bulshada iyo daryeelka caafimaadka ah, sida gargaarka degdegga ah ee arrimaha bulshada, daryeel caafimaad iyo baxnaanin jir ahaaneed iyo mid maskax ahaaneedba. Dhibbanuhu wuxuu adeegyadaas u isticmaali karaa isla si la mid ah sida ay macaamiisha kale u isticmaalaan. Xarunta taageerada ee Siri waxaa ay caawiyaan dhammaan dadka la kulmay xoogsheegashada xagga jinsiga sama galmoodka ah ee buuxiyay da’da 16-ka sano, iyadoo aan loo eegeynin jinsiga uu qofku yahay.

Hay'addo badan ayaa dhibbanayaasha dambiga ugu deeqa taageero, talosiin iyo hagisba. Xarunta gargaarka degdega ah ee dhibbanaha dambiga ayaa waxaa ay bixisaa caawimaad la xiriirta dhammaan noocyada dambiyada iyo maraaxisha ama heerarka ay hawsha dambigu marayso, waxaa ay sidoo kale bixisaa talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan, sidii dhibnnaha dambigu uu xuquuqdiisa u isticmaali lahaa. Dhibbanaha xoogsheegashada lammaanaha ama dad ehel isu ah dhexmarta, waxaa uu taageero iyo badbaadinba ka heli karaa guryaha badbaadada (turvakoti), waxaa sidoo kale caawimaadahaas loo heli kara qaab telefoon ahaan ah iyo mid adeegyada furan ah. Magaalooyinka qaarkood waxaa ka jira caawimaadyo khaas ah oo loogu taloggalay dhibbanayaasha loo gaystay xoosheegashada jinsiga sama galmada iyo haweenka asalkoodu yahay dadka waddanka u soo guuuray. Dhibbanayaasha soo maray ka ganacsiga dalka waxaa ay leeyihiin nidaam u gaar ah oo lagu caawiyo, nidaamkaas oo ay ugu gudbi karaan markay buuxiyaan shuruudaha u yaal ee laga rabo. Haddii qofka dhibbanaha ah uu bixiyo ogolaansho, booliska ama qofka hawlwadeenka ah ee samaynaaya baarista hore ayaa wuxuu u gudbinayaa xarumaha caawimaadaha bixiya meelaha qofka dhibbanaha ah lagala soo xiriiri karo, kuwaas oo qofka dhibbanaha ah la soo xiriiraaya.

Dhibbanaha wuxuu isticmaali karaa qof taageere u ah oo la socda inta lagu guda jiro falanqaynta maraaxisha kiiska dambiga ah maraayo. Qofka dhibbanaha ah waxaa uu codsan karaa qofkii uu isagu doono inuu u noqdo taageere la socda. Tusaale ahaan Xarunta heeganka ee dhibbanaha dambiga (Rikosuhripäivystys), waxaa laga heli karaa qof caawiye ah oo hawshaan loo soo tababaray oo lacag la’aan ah.

Qofka caawiyaha ah waxaa uu goobjoog ka ahaanayaa marka waraysida lala yeelanaayo dhibbanaha dambiga iyo dacwo qaadista maxkamadda, laakiin xaaladaha qaarkood ayaa goobjoognimadaas la xaddidi karaa.

Dhibbanuhu waxaa uu xaq u leeyahay inuu isticmaalo caawiye dhanka sharciyada ah, marka uu samaynaayo wargelinta dambiga, marka waraysida lala yeelanaayo iyo dacwo qaadista maxkamadda. Caawiyuhu waxaa uu noqon karaa qareen, sharciyaqaan sama qareen ka hawlgala xafiiska caawimaadda sharciga (julkinen oikeusavustaja) ama qof haysta ogolaanshaha ah inuu noqon karo caawiye dacwo qaadista maxkamadda ah.

Dadka dakhliga yar soo galo iyo kuwa dakhligoodu uu dhexdhexaadka yahay waxaa suuraggal ah in ay dowladdu siiso caawimaadyo dhinaca sharciga ah. Markaas oo mushaarka caawiyaha ay qayb ahaan ama gebi ahaan dowladdu bixinayso. Caawimaadda dhinaca sharciga ah waxaad ka dalban kartaa xafiiska caawimaadda arrimaha sharciga ama waxaad isticmaali kartaa adeegyada dano dhamaysiga ee dhanka intertnetka ah. Sidoo kale dhibbanuhu waxaa uu qareen sama xafiiska qareennada u gudbin karaa dalab ama codsi ah caawimaadda dhanka sharciga ah ee isaga ku saabsan.

Maxkamadda laftigeeda ayaa dhibbanaha u qaban karta qof caawiye ah ama caawiye dhanka dacwo qaadista maxkamadda ah, haddii kiisku uu ku saabsan yahay xoogsheegashada lammaanaha ama dad ehel isu ah dhexmarta, ama dambiyada xagga jinsiga ama galmoodka ah, amaba kiisku yahay mid aad khatar u ah oo ku wajahan nafta, caafimaadka iyo xoriyadda dhibbanaha. Markaas dowladda ayaa bixinaysa kharashka, iyadoo aan loo egeyninin dakhliga dhibbanaha.

Mararka qaarkood dhibbanaha waxaa noloshiisa la soo darsaya cabsi, falal aargoosi ama rafaadka dheeraadka ah ee ay sababayaan maraaxisha hawlaha dambiga uu maraayo. Dhibbanaha waxaa laga rabaa haddii cabsidaas oo kale ay soo waajahdo, inuu u sheego hawlwadeennada dowladda. Hawlwadeennada dowladda ayaa qiimeynaaya in qofka dhibbanaha uu u baahan yahay ilaalin ama dhowritaan marka la samaynaayo baaritaanka hore iyo dacwo qaadista maxkamadda iyo inkale, iyo waxa ay noqonayaan waxqabadyadaas la xiriira baahida dhowritaan ama ilaalin ee dhibbanaha. Qiimayntaas samaynteeda waxaa wadashaqyn lagala yeelanayaa dhibbanaha, waxaana tixgelinta la siinayaa sifooyinka shakhsi ahaaneed ee dhibbanaha, xaaladda uu ku jiro iyo nooca dambiga.

Qofka dhibbanaha ah xaaladaha qaarkood waxaa dacwo qaadista maxkamadda laga dhegeystaa isaga oo fadhiya meel wajigiisa la qariyey, iyadoo la kaashanaayo waraysiga dhanka fiidiyoowga ah, waxaana la waraystaa iyadoo aanay joogin eedeysanaha iyo dadweynaha guudba. Qofka dhibbanaha ah waraysiga lala yeelanaayo baaritaanka hore, waxaa dhici karta in xaaladdaha qaarkood laga duubo fiidiyoow, waxaana fiidiyoowgaas hadhow maxkamaddu ay u isticmaalaysaa markhaati ahaan, tusaale ahaan marka qofka dhibbanaha ah ay da'diisu ka yar tahay 18-sano jir.

Si loo dhowro arrimaha khaaska u ah qofka dhibbnaha ah, waxaa dhici karta in iyadoo ku xiran shuruudo gaar ah, ay maxkamaddu falanqayso arrinka iyadoo aanay dadweynaha guud goobjoog ahayn, sidoo kale waxaa ay maxkamaddu amar ku bixin kartaa, in dokumintiyadda dacwo qaadista maxkamadda, iyo qaybo ka mid ah xukunka la gaarayo ay ahaadaan kuwo sir ah oo la xifdiyay. Dhibbanuhu isaga ayaa arrinkaas maxkamadda ka codsan kara. Maxkamaddu waxaa ay sidoo kale arrimaha qaarkood amar ku bixin kartaa in macluumaadka shakhsi ahaaneed ee dhibbnaha laga dhigo kuwo qarsoon oo la ilaaliyay. Arimaha noocaas ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan dambiyada la xiriira dhanka jinsiga sama galmoodka.

Maxkamaddu waxaa ay marwalba si xaalad walba u gooni ah uga fiirsanaysaa qaabka u nidaamka dacwo qaadistu u dhacaaayo iyo hawlaha la xiriira ilaalinta ama dhowrsita, iyadoo tixgelinta siinaysa in xuquuqaha la xiriira dhanka is difaacidda aan la xaddidin. Sidaas awgeed go’aanka maxkamaddu waa uu ka duwanaan karaa qiimayntii markii hore la sameey

Xaaladdaha ay khatarta aadka u culus ah jirto, dhibbanuhu wuxuu codsan karaa in la qariyo macluumaadka ku saabsan meelaha lagala soo xiriiri karo, wuxuu dalban karaa amarka u soo dhowaasnho la’aanta (lähestymiskielto), ama wuxuu codsan karaa in magaciisa iyo lambarkiisa aqoonsiga la beddelo. Faahfaahinta dheeraadka ah ee arrimahaas ku saabsan waxaad ka helaysaa hawlwadeennada dowladda iyo xafiisyada laga helo adeegyada taageerada ah. Codsiga amarka u soo dhowaansho la’aanta waa mid lacag la’aan ama bilaash ah. Dhibbanaha uu soo waajahay ama lagula kacay dambiga aadka u culus ee codsanaaya amarka u soo dhowaansho la’aanta, waxaa loo go’aamin karaa in la siiyo caawiye dhanka sharciyada maxkamadda oo lacag la’aan ah. Haddii qofka lagu ilaalinaayo amarka u soo dhowaansho la’aanta uu u guuro dal kale oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub, uuna u arko in sidoo kale uu halkaas u baahan yahay ilaalin ama dhowritaan, waxaa uu isla maxkamaddii soo saartay amarka ah u soo dhowaansho la’aanta ka dalban karaa, amarka dhowritaanka heerka yurub ah.

Dhibbanuhu wuxuu xaq u leeyahay inta lagu guda jiro falanqaynta arrinka dambiga ah, inuu dalbado in faldambiyeed sameeyuhu uu u magdhabo ama uu soo gudo khasaarihii uu u gaystay. Dhibbanaha waxaa khasab ku ah oo laga rabaa marka uu socdo baaritaanka hore ama ugu dambayn marka fadhiga maxkamadda la isugu yimaado, in uu sheego khasaaraha soo gaaray iyo sidoo kale arrinka ah inuu dalbanaayo in dambi sameeyaha uu ka helo magdhow iyo inkale. Dhibbanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado tusaale ahaan, in magdhaw laga siiyo hantidii ka luntay ama ka jajabtay, kharashka uga baxay daawada ama dhakhtarka, xanuunka, kaarka iyo dhibaatooyinka kale ee wakhtiga cayiman qofka haynaaya iyo kuwa joogtada ah, sidoo kale waayitaanka dakhliga soo galaayay, iyo xaaladaha qaarkood dhibaatada nafsad ahaaneed ee shakhsiga soo gaartay.

Dhibbanuhu wuxuu ka codsan karaa xeerilaaliyaha, in uu isagu u sameeyo dalabka magdhowga. Markaas waa in arrinku uu noqdaa mid fudud oo cad, islamarkaana uu xeerilaaliyuhu soo gudbiyaa biil, rasiid ama caddayn qoraaleed kale oo ku saabsan dalabka. Inta badan arrinku waa mid ku saabsan khasaare gaarsiinta hantida. Xeerilaaliyaha ayaa xaalad walba goonideeda u qiimaynaaya, in uu xeerilaaliyuhu samayn karo dalabka magdhowga isagoo ku hadlaaya magaca dhibbanaha iyo inkale. Haddii maxkamaddu ay ku waajibisay qofka dambiga sameeyay inuu bixiyo magdhowyadaas, waxaa markaas qofka lagala heshiinayaa sidii uu u bixin lahaa kharashkaas, ama waxaa arrinka loo dhiibayaa shaqaalaha dadka ka soo qaada waxa lagu leeyahay (ulosottomies).

Dhibbanaha dambiga loo geystey waxaa uu xaq u yeelan karaa in magdhowyada ka dhashay khasaaraha soo gaaray laga siiyo ama uu ka helo hantida dowladda. Magdhowga waxaa laga dalbadaa khasnadda dowladda (Valtiokonttori), lacagtaas oo badanaa ah mid ku saabsan waxyeelo qof loo geeystay ama rafaad qofka soo gaaray. Si dhibbanuhu uu u helo magdhowyada, waxaa khasab ku ah inuu marka hore u gudbiyo booliska arrinka ku saabsan dambiga. Haddii arrinka ama kiiska lagu falanqeeyo maxkamadda, waxaa laga doonayaa dhibbanaha inuu sidoo kale maxkamadda dhexdeeda ku dalbado in magdhow looga qaado dambi sameeyaha. Sidoo kale xaaladaha qaarkood waxaa madhowga laga heli karaa oo bixiya shariikadaha caymiska ama xafiiska Kela-da.

Haddii qofka dhibbanaha dambiga ah looga yeero maxkamadda si arrinka loo caddeeyo, waxaa uu xaq u leeyahay in kharashkii kaga soo baxay imaanshaha maxkamadda laga siiyo ama looga gudo hantida dowladda.

Dhibbanaha waxaa la siin karaa lacag maalmeed iyo magdhowga kharashkii safarka kaga baxay, iyo wixii dakhli soo geli lahaa ee maalintaas maxkamadda awgeed uu ku seegay ama ka baaqday.

Qof kastaa waxaa uu xaq u leeyahay marka lagu guda jiro baaritaanka hore iyo dacwo qaadista maxkamadda, in uu ku hadlo afka finnishka ama iswidhishka. Dadka u dhashay reer Saami-ga marka ay joogaan degaankooda, waxay xaq u leeyihiin in ay isticmaalaan afkooda saamiga. Hawlwadeennada dowladdu waa in markii loo baahdo ay soo diyaariyaan turjumista. Dhibbanayaasha ku hadla luqadaha kale waxay isticmaali karaan luqadda ay garanayaan, dhammaan xaaladaha la xiriira caddaynta dambiyada, iyo arrinka dambi oogista ah ee xeerilaaliyuhu uu ka wado maxkamadda dhexdeeda. Xaaladaha la xiriira caddaynta dambiga waxaa ka mid ah tusaale ahaan, samaynta wargelinta dambiga iyo marka dhibbanaha la dhegeysanaayo ee baaritaanka hore. Haddii loo baahdo hawlwadeennada dowladdu waa in ay dhibbnaha u diyaariyaan turjubaan ku hadlaaya mid ka mid ah luqadaha uu dhibbanuhu yaqaanno. Turjubaan diyaarinta waa in laga taxaddaraa oo xil la iska saaraa, marka qofka dhibbanaha ah uu yahay mid ku hadla luqadda dhagoolayaasha, ama turjumistu ay tahay mid loo baahan yahay oo lagammamaarmaan ah, daciifnimada hadalka ama xagga dareenka ee dhibbnaha haysata awgeed. Turjubaanka waxaa saaran waajibka ah xifdinta sirta qofka. Mushaarka turjubaanka waxaa bixinaysa dowladda.

Dhibbanuhu waxaa uu codsan karaa in dokumentiyada meelahooda muhiimka ah loo soo turjumo. Turjumista waxaa loo siin karaa qaab af ahaan ah, waase haddii sharciga xuquuqda badbaadintu uusan u baahnayn in dokumentiyada qoraal ahaan lagu soo turjumo. Xaaladdaha qaarkood waxaa dhaici karta in dhibbanaha loo soo turjumo qaybo ka mid ah dukumintiga ama dokumentiyada inta la soo koobo loo soo turjumo.

Baaritaanka hore ee booliska, dhibbanuhu wuxuu heli karaa in loo soo turjumo qoraalka xaqiijinta wargelinta dambiga, go'aanka lagu joojinaayo baaritaanka hore ee dacwadda iyo haddii loo baahdo wixii kale oo arrimo ah oo ku saabsan dukumintiyada muhiimka ah. Xeerilaaliyaha ayaa wuxuu u diri karaa qofka dhibbnaha ah turjumista ku saabsan go’aanka uu ku joojiyay dambi soo oogista.

Fadhiga maxkamadda marka la qaadayo qofka dhibbanaha ah waxaa la siin karaa xukunka oo la soo turjumay, iyo ogeysiisyada ku saabsan wakhtiga maxkamaddu dhacayso iyo goobta, iyo sidoo kale haddii loo baahdo dukumintiyada kale ee muhiimka u ah arrinkaan.

Kiisaska dambiyada ah waxaa laga samayn karaa dhexdhexaadin, taasoo ay oggolaadeen dhibbnaha iyo eedeysanaha. Waxaa intaasi dheer oo shardi ah in eedeysanuhu uu oggolaado arrimaha ugu waawayn ee ku saabsan qaabka wax u dhaceen, iyo in dhexdhexaadintu ay tahay mid ay ku jirto danta dhibbanaha. Dhexdhexaadintu waa lacag la'aan, waana arrin ikhtiyaari ah oo uu qofku iska joojin karo wakhtigii uu doono. Dhexdhexaadiyayaal u shaqaynaaya si ikhtiyaari ah oo hawshaan loo soo tababaray ayaa ka caawinaya dhinacyada uu arrinka dambigu khuseeyo, sidii ay uga wadahadli lahaayeen wixii dhacay, islamrkaana ay uga heshiin lahaayeen isu soo gudista wixii dhibaato ah ee arrinka dambigu uu sababay iyo in dhibbanaha la siiyo magdhowga khasaaraha soo gaaray. Adeeggaan waxaa laga helaa dhammaan xafiisyada dhexdhexaadinta ee dalka oo dhan.

Dhibbnaha dambiga waxaa uu xaq u leeyahay in haddii uu codsado uu helo macluumaadka ku saabsan falanqaynta kiiska, wakhtiga maxkamadda la qaadaayo iyo goobta, iyo sidoo kale xukunka ay maxkamaddu ka soo saarto dambigaas. Waxaa intaasi dheer oo qofka dhibbanaha ah uu xaq u leeyahay inuu helo wixii xog ah ee ku saabsan go'aammada ay hawlwadeennadu ka gaaraan arrinka ku saabsan joojinta baaritaanka hore, iyo go’aanka uu xeerilaalyuhu ka gaaro in uusan dambigaan soo oogaynin.

Xaaladdaha qaarkooda ee uu dambigu halista yahay, qofka dhibbnaha ah waxaa uu xaq u yeelanayaa haddii uu codsado, in la soo ogeysiiyo sii daynta maxbuuska ama maxbuuska dambibaarista, xabsi ka baxsashadiisa ama shuruudo kale oo gaar ah oo uu xabsiga uga baxay. Haddii uu dhibbanuhu doonaayo in la soo ogeysiiyo arrimahaan, waa in uu u sheego arrinkaas hawlwadeennada gacanta ku haya baaritaanka hore ama xeerilaaliyaha. Hawlwadeennada samaynaaya baaritaanka hore ayaa siinaaya macluumaadka muhiimka ah ee ku saabsan arrinkaan.

In xogahaas lagu siiyo waxaa sharddi u ah, in soo ogaysiinta aanay wax khatar ama halis ah u gaysanaynin nafta iyo caafimaadka maxbuuska ama maxbuuska dambibaarista.

Hawlwadeenada gacanta ku haya baaritaanka hore ee kiiska ayaa dhibbanaha siinaaya faahfaahinta dheeraadka ah ee ku saabsan, xuquuqda iyo waajibaadka qofka arrinkaan ka qaybta ah ee la xiriirta waraysiga. Dhibbnaha waxaa waajib ku ah inuu runta ka sheego arrimaha ku saabsan dambiga iyo wixii suuraggal khasaare ah oo arrinkaas ka dhashay.

Dhibbanuhu wuxuu ashtako ama dacwo ka soo gudbin karaa qaabka ay u dhaqmayaan hawlwadeennada dowladda ee samaynaaya baaritaanka hore, haddii uu dhibbanuhu u arko in hawlwadeennada dowladdu ay hawsha dayaceen ama ay si khalad ah ay u qabteen. Dacwadda waa in qoraal ahaan loo soo sameeyaa, waxaana loo gudbin karaa waaxda loo arko in khaladku ka dhacay ee ka tirsan hay’addaas ama waxaa loo gudbin karaa madaxda ugu sarraysa ee hay’adda.
Go’aanka uu xeerilaaliyuhu ku gaaray inuusan dambiga soo oogin, waxaa uu qofka dhibbnaha ah uga dacwoon karaa oo ashtakada arrinkaas ku saabsan uu u gudbin karaa xeerilaaliyaha guud ee qaranka. Sidoo kale dhibbanuhu waxaa uu xeerilaaliyaha guud ee qaranka u gudbin karaa ashtakada ama dacwada uu ka qabo go’aamada kale ee xeerilaaliyaha ama meelaha uu dhibbanuhu u arko in si khalad ah loo sameeyay.

Sidoo kale dhibbanuhu waxaa uu qaabka ay hawlwadeennada dowladdu wax u sameeyeen uga dacwoon karaa wakiilka ilaalinta caddaaladda ee baarlamaanka.

Dhibbanuhu wuxuu talosiin iyo caawimaad ka heli karaa adeegyada bixiya caawimaadda, xittaa haddii dambigu uu ka dhacay dal kale.

Haddii falka dambiga ah soo gaaray dhibbanaha uu ka dhacay dal kale oo ka tirsan waddamada Midowga Yurub, waxaa dhici karta in hawlwadeennada gacanta ku haya baaritaanka hore ay xaaladaha qaarkood u gudbiyaan dalka kale ee ka tirsan Midowga Yurub, iyo arrinka ku saabsan wargelinta dambiga ama baaritaanka hore ee ay bilaabeen. Wareejinta wargelinta dambiga waxaa sharddi u ah arrimaha ay ka midka yihiin, in dhibbanaha uusan awoodin inuu wargelinta dambiga ka sameeyo dalka uu falka dambigu ka dhacay, ama dambiga oo ahaa mid aad u culus ama khatar ah awgeed, sababtaas awgeedna uusan dhibbanuhu doonaynin inuu sameeyo. Dambiyada culus marka ay jiraan, waxaa sidoo kale laga fiirsadaa in arrinka loo wareejiyo meel ka baxsan Midowga Yurub.

Julkaistu 22.10.2024