Haddii aad noqoto dhibane dambi laga galay
Boggan waxaa laguugu sheegayaa sida aad u dhaqmeysid, haddii aad noqotid dhibbane dambi loo geystey iyo halka aad caawimaad iyo kaalmo aad ka heli karto. Intaas waxaa dheer oo la dul marayaa marxaladaha falanqaynta arrinta dambiga ah waxaana warbixin lagaa siinayaa waxqabadyada suurogalka ah ee ilaalinta iyo magdhowyada. Macluumaad iyo warbixino sugan waxaad ka heli kartaa masuuliyiinta dowliga ah.
Heerarka ay maraan kiisaska dambiyada ah
Dacwo gudbin
Haddii dambi lagaa galay oo aad dhibane tahay, u gudbi arintaada booliska. Dacwadda waa in aad u samayso sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah, si markaas ay booliska ugu fududaato in ay dambiga baaraan. Sidoo kale in qofka waxyeelo loo geeystay uu magdhawgeeda helaa waxay ku xiran tahay in dambiga dacwad gudbin laga sameeyey. Dacwadda waxaad u gudbin kartaa goobta dambigu ka dhacay booliska roondada ah ee yimid, ama inaad saldhigga booliska tagto ama in sida dambiyada yar-yar aad internetka ka samayso ciwaankan ama taleefan ahaan.
Dacwadda waxaad geyn kartaa saldhig kasta oo boolis, waxaa sidoo kale dacwadda gudbin kara qof kale oo dhibanaha ka socda. Haddii dambiga ay arkayeen markhaatiyo, waxaa wanaagsan inaad ka qorato teleefonadooda iyo halka laga helo.
Booliska ayaa wuxuu qorayaa sida ay wax u dhaceen ee dacwadda dambiga la soo gudbiyay, dadka dacwaddu khusayso iyo markhaatiyada halka laga helo. Dhibanuhu wuxuu xaq u lee yahay inuu helo caddayn xoojin ah oo ku saabsan dacwadda uu sameeyey oo qoraal ah.
Haddii dambigu uu la yimaado oo uu sababo dhaawac, waxaa wanaagsan inaad dhakhtarka u tagto sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah. Caddayn dhakhtar oo dhaawaca ku gaaray ah in loo baahdo ayaa dhici karta marka maxkamadda la qaadayo ama marka aad soo codsaneyso magdhawyada oo aad ka codsanayso tusaale ahaan shirkadda caymiska ama Khasnadda dawladda. Haddii ay arintu ku saabsan tahay dagaal xagga jinsiga ah ama kufsasho, waa in aadan is dhaqin oo aadan dharka iska badalin ka hor inta aadan dhakhtarka aadin.
Haddii ay arintu ku saabsan tahay guri la jabsaday, raadkii tuuga waa in aadan nadiifin ka hor inta aan boolisku imaan.
Dambiyada qof laga galo ee shakhsi ku wajahan waxay ay yihiin dambiyada uu boolisku baaro kaliya haddii qofka dhibanaha ah uu soo dalbado in fal sameeyaha loo ciqaabo. Waxaana dambiyada noocaas ah ka mid ah sida tuugnimada fudud iyo waxyeeleyn hanti dad. Haddii qofka dambiga laga galay ee dhibanaha ah uu aragtidiisa badalo oo uusan doonayn in ciqaab loo mariyo kan falka ku sameeyey, boolisku markaas wuxuu joojinaya kiiska uu baaritaankiisa bilaabay.
Dambiga marka la baaraayo ayaa boolisku waxa ay weydiinayaan in dhibanuhu uu dalbanaayo in kan falka ku sameeyey ee dhibta u geystay ciqaab loo mariyo. Haddii dhibanuhu uu sheegto in uusan wax ciqaab ah dalbanayn hadda ama uu hadhow ka noqon doono wixii uu soo dalbaday, wuxuu dhuminayaa xaqqii uu u lahaa in uu hadhow gadaal ka soo oogo dambiga. Arintan waa muhiim in la kala ogaado, sababta oo ah xeer-ilaaliyaha ayaa go’aan ka gaaraya inuu iska dhaafo inuu dambiga soo oogo iyo in kale
Dambiyada intooda badan waa kuwo si rasmi ah u hoos imaanaya dambiyada ay tahay in sharciyan la soo oogo, dambiyadaasna waa kuwo uu boolisku mar kasta baaraayo ama soo oog ama ha soo oogin, kuwaasoo ay khasab tahay in la baaro. Tusaale ahaan dambiyada dilitaanka garaacista ah iyo kufsigu waa kuwo si rasmi ah u hoos imaanaaya dambiyada qofka lagu soo oogaayo, xataa hadday ka dhaceen guriga ama qofka geystay uu yahay qof ka mid ah xubnaha qoyska. Dambi yar oo rabsho dagaala ah oo dad ehel ah xataa dhex marta waxaa loo arkayaa in uu yahay dambi si rasmi ah qofka loogu soo oogi karo. Dacwadda markii booliska loo gudbiyo waxaa ka dhalanaya in ay hawl-wadeenada dawladdu faraha la soo galaan rabshadaas ama dagaalka dhacay.
Baaritaanka hore ee dambiga
Boolisku waa in uu ka shaqeeyo baaritaanka hore ee dambiga, haddii uu yimaado shaki ah in uu dambi dhacay. Baaritaanka hore waxaa ay boolisku baaraan wixii dhacay, yaa kiiska ku jira iyo sidoo kale maxay yihiin waxyeelooyinka ama khasaaraha dambigu keenay. Haddii boolisku uusan baarayn dambiga waa in ay la socod siiyaan oo u sheegaan dhibanaha dambiga laga galay inay baaritaankii dambiga joojiyeen.
Boolisku waxay ugu yeeraan qofka dhibanaha ah ee dambiga laga galay iyo qofkii kiiska iska lahaa ama ku lug lahaa inay waraysi la yeeshaan haddii markaasi loo baahdo. Haddii waqtiga waraysiga laguugu yeeray uusan kugu haboonayn waxaad kala hadli kartaa booliska kiiska baaraya inay kuu qabtaan waqti kale oo kugu haboon. Arimaha iyagu ah kuwo fud-fud oo iska cad waxaa dhici karta in boolisku sidoo kale uu telefoon uun kugu waraysto.
Marka qofka dambiga laga galay oo dhibanaha ah lala yeelanaayo waraysiga dambi baarista waxaa waajib ku ah kan dambiga laga galay inuu runta sheego oo runta ka hadlo. Haddii marka waraysiga baaritaanka ah lagula yeesho kadib aad waxyaalo kale oo kiiska ku saabsan soo xasuusato, waxaa khasab kugu ah in aad booliska la xiriirto oo u sheegto.
Markii qoraalka laga sameeyay baaritaanka hore uu diyaar noqodo ayaa boolisku waxay u dirayaan faylasha xeer-ilaaliyaha ama dambi ku oogaha. Dhibanaha oo ah qofkii kiisku khuseeyey oo iska lahaa iyo sidoo kale kan dambiga looga shakiyey labaduba waxay xaq u lee yihiin in buugga baaritaanka ee qoraalada lagu soo ururiyey ama waraaqaha dambiga waraysiyadiisa lagu qoray koobi lacag la’aan ah ka helaan oo la siiyo. Haddii dhibanaha dambiga laga galay uusan doonayn in magaciisa iyo warbixintiisa loo gacan geliyo kan dambiga looga shakiyey, xaq ayuu u lee yahay inuu diido in koobiga la siinayo kan dambiga looga shakiyey lagu qoro warbixintiisa.
Arimaha iyaga ah kuwo fud-fud sida tuugada wax qarsiga ah ee fudud iyo dilitaanada garaacista ah ee fudud, boolisku waxaa uu ganaax siin karaa kan dambiga looga shakiyey haddii uu dhibanahu ogolaado, ganaaxaas oo uu xeer-ilaaliyuhu xoojinayo. Saas marka ay tahay looma baahna in waraaqaha baaritaanka la qoro oo lagama maarmaan ma aha. Haddii kan dambiga laga galay oo dhibanaha ah uu ogolaado in dambiga lagu xalliyo qaab ganaaxid ah, markaas kiiska maxkamad looma gudbiyo, xeer-ilaaliyuhuna uma soo oogayo dhibanaha wax magdhaw ah oo khasaarihii soo gaaray ku saabsan.
Dalbashada magdhowga
Qofka dambiga sameeyey waxaa waajib ku ah inuu ka magdhabo khasaarihii uu geeystay. Waxyeellooyinka iyo sidoo kale haddii uu dhibanuhu kan dambiga u geeystay doonaayo in mag-dhow loogu xukumo waa in lagu sheegto marka baaritaanka hore ee boolisku socdo ama ugu dambayn maalinta maxkamadda la qaadayo. Magdhaw in lagaa siiyo waxaad ku soo oogi kartaa sida wax lagaa jabiyey ama lagaa jeexay ama hanti kaa dhuntay, daawo iyo dhakhtar kharash kaaga baxay iyo sidoo kale dilitaan laguu geeystay oo uu xanuun iyo damqasho kaa soo gaaray, iyo sidoo kale xaaladaha qaarkood silic iyo saxariir si nafsiyan ah kuu soo gaartay.
Khasaaraha ku gaaray waxaad ku caddayn kartaa inaad rasiidyadii kharashka kaaga baxay keento, kharashkaas oo ah mid uu dambigu kuu keenay. Sidoo kale qaybta aad adigu bixinayso ee caymiskaagu ku saaray iyo sidoo kale arinta soo ogaanshaheeda kharashka suurtagalka ah ee kaaga baxay waa in aad caddaymahooda keento, sababto oo ah ayaga laftigooda magdhaw in lagaa siiyo ayaa ku soo oogi kartaa fal-sameeyaha dambiga kaa galay.
Xeer ilaaliyaha ama dambi soo oogaha ayaa maxkamadda dhexdeeda soo bandhigi kara magdhowyada dhibanaha, haddii ay yihiin wax cad oo sababo loo cuskado leh. Hadii uu dhibanaha dambiga laga galay doonayo in xeer-ilaaliyuhu uu u soo oogo maxkamadda dhexdeeda mag-dhawyadiisa, waa in aad arintaas u sheegto booliska marka ay kula yeelanayaan waraysiga baaritaanka hore ee booliska. Haddii xeer-ilaaliyuhu uusan kuu soo bandhigi doonin xaqqa mag-dhawyadaada, waa in uu u sheego dhibanaha oo qoraal ahaan warqad ugu sheego arintaas. Marka ay sidaas tahay dhibanuhu isaga ayaa soo bandhiganaaya oo maxkamadda dhexdeeda ka sheeganaaya waxa uu dalbanaayo. Hawshan waxaa sidoo kale dhibanaha isagoo ka wakiil ah u samayn kara caawiye dadweynaha ee dhinaca sharciyada maxkamadaha.
Ka fekerida in qof dacwo lagu soo oogo
Markii uu xeer-ilaaliyuhu ka helo booliska buugga ama waraaqaha uu dambiga baaristiisa ku soo ururiyey ee qoraalka oobiga la yiraahdo, wuxuu qaadanayaa go’aan ah inuu dambiga soo oogo, taas oo macnaheedu yahay wuxuu gaarayaa go’aan ah in qofkan maxkamadda la soo taago oo kiiskiisa maxkamad lagu gudo galo.
Haddii dambigu uusan tusaale ahaan lahayn wax caddaymo ah oo marag ah, dambigaasi waa mid iska yar ama kiis laga heshiiyey, markaas xeer-ilaaliyuhu waa iska dhaafi karaa inuu eedaynta dambiga soo oogo oo maxkamadda u gudbiyo. Dhibanaha ama kan dambiga laga galay wuxuu xaq u leeyahay inuu ogaado go’aanka uu xeer-ilaaliyuhu gaaray oo ah in uusan kiiska soo oogayn oo maxkamadda geeynayn. Haddii dhibanuhu uu mar horeba baaritaankii hore ee booliska ka sheegtay inuu ciqaab ku soo oogayo in loo mariyo kan dambiga ka galay, isaga laftigiisa ayaa dambiga eedayntiisa ku soo oogan kara oo arinta maxkamadda geyn kara, haddii aan xeer-ilaaliyuhu dambiga eedayntiisa samaynayn oo uu sidaas go’aansado.
Dhexdhexaadin
Kiisaska dambiyada ah waxaa laga yeelan karaa fadhi dhexdhexaadin ah, haddii dhibanaha iyo kan dambiga looga shakiyey ay saas ogolaaadaan oo ku heshiiyaan. Waxaa intaasi dheer oo shardi ah in kan dambiga inuu sameeyey looga shakiyey uu ogolaado dambiga sida uu u dhacay iyo guud ahaan arimaha dambiga intooda ugu waa weyn, tan kale waxaa shardi u ah in heshiisku yahay mid waafaqsan danta iyo maslaxadda dhibanaha ama kan dambiga laga galay. Arinkaan dhexdhexaadinta ah waa lacag la’aan, waana arin aad u madax baanaan tahay oo khasab kuguma aha, haddii aad rabtana adigoo dhexda kaga jira ayaad ka noqon kartaa markaad doonto. Shaqaale u tababaran oo aan lacag ku qaadanayn oo iskood isu xilqaamay ayaa dadka labada daraf ee dambigu dhex maray hadalka kala siinaya si ay uga wada hadlaan wixii dhacay ugana heshiiyaan kharashka magdhawga ee dambigu keenay. Dhexdhexaadiyayaashu waxay ka caawinayaan dadka labada daraf ah ee dambigu dhex maray siday heshiiska u kala qoran lahaayeen. Heshiiska la gaaraa wuxuu tusaale ahaan noqon karaa in la is raalli geliyo oo la is cafiyo, in lagu heshiiyo sidii loo wada dhaqmi lahaa hadda ka dib, ama in lacag magdhaw ah la isa siiyo ama qaab shaqo ah la iskugu magdhabo. Haddii labada daraf ay heshiiyaan, waxaa heshiiskaas laga dhigaa qoraal, waxaana markaas xafiiska dhexdhexaadintu uu la soconayaa fulinta heshiiskaas. Xafiiska dhexdhexaadinta ayaa qodobadii ka soo baxay heshiiska, waxaa ay ogeysiinayaan booliska iyo xeer-ilaaliyaha. Kiisaska dambiyada ah waxaa dhici karta in fadhi maxkamadeed loo gudbiyo, xataa arintu iyada oo laga heshiiyey.
Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan heshiisiinta dadka lagu dhexdhexaadinayo waxaad ka heli kartaa sida booliska, xafiiska dhexdhexaadinta dadweynaha iyo sidoo kale xarunta caafimaadka iyo nolol-wanaagga .
Dacwo qaadista maxkamadda
Maxkamaddda marka la qaadaayo, dadka arintu khusaysaa waxay kala yihiin dhibanaha dambiga laga galay marka laga reebo, xeer-ilaaliyaha oo dambi ku oogaha ah iyo kan eedaysanaha ah. Maxkamadda darajada kowaad waxay inta badan isugu yeertaa dhammaan dadka kiisku khuseeyo iyo markhaatiyada oo fadhiga maxkamadda looga yeero. Warqadda loogu yeero waxaa ku qoran, in ay khasab tahay in aad maxkamadda si toos ah oo fool ka fool ah u timaado iyo in kale. Fadhiga maxkamadda waxaa dhici karta in dib loo dhigo oo la baajiyo, haddii qofka ka mid ah dadka loo wacay inay maxkamadda si toos ah oo fool ka fool ah u yimaadaan uu maqnaado oo uu imaan waayo.
Jadwalka iyo waxyaalaha kale ee maxkamad qaadista la xiriira ee caadiga ah waxaad kala hadli kartaa oo kala xaajoon kartaa shaqaalaha maxkamadda darajada kowaad iyo sidoo kale xeer- ilaaliyaha ama xoghayntiisa. Fadhiyada maxkamaddu waa kuwo dadweynaha u furan, laakiin waxaa maxkamaddu fadhi albaabadu u xiran yihiin ama qayb ahaan u xiran yihiin ka dhigi kartaa kiisaska qaarkood sida kuwa xagga jinsiga ama galmada la xiriira. Fadhi maxkamad oo albaabadu u xiran yihiin waxaad ka codsan kartaa garsooraha ama qaaliga maxkamadda.
Haddii ay maxkamaddu dhibanaha dambiga laga galay waajib uga dhigto inuu fadhiga maxkamadda u yimaado si fool ka fool ah, waxaa la siinayaa lacag nolol-maalmeed ah iyo sidoo kale gunnadii magdhawga ee kharashkii safarka kaga soo baxay iyo wixii lacag ka soo geli lahaa shaqada uu maalintaas ka baaqday. Haddii qofku maxkamada fadhigeeda iska baaqdo isaga oo aan haysan sabab sharciga waafaqsan, maxkamadu waxay ku xukumaysaa ganaax. Baaqasho sharciga waafaqsan waxaa tusaale ahaan ka mid ah in xanuun ama jirro kaa hor istaagto inaad goobta timaado, taas oo lagaa rabo inaad hadhow aad gadaal ka keento caddayn dhakhtar. Baaqashada kugu dhacday waa in aad maxkamadda u soo sheegto goor hore sida ugu suurtagalsan isla marka aad ogaato inaadan imaan karin.
Qaar ka mid ah kiisaska dambiyada ah waxaa loo gudo geli karaa oo maxkamaddu u falanqayn kartaa qaab qoraal ah oo kaliya. Markaas oo garsooraha maxkamaddu uu arinta u xukumayo isagoo eegaya oo keliya qoraallada uu hayo ee caddaymaha ah. Markaas oo aan fadhi maxkamadeed oo afka laga wada hadlaayo la yeelan doonin, loomana yeeri doono oo ma imaanayaan darafyada is hayaa maxkamadda.
Qaabka maxkamadda qoraal ahaan loo xallinaayo waxaa loo isticmaalaa badanaa kiisaska fudud iyo dambiyada caadiga ah. Waxaase shardi u ah in eedaysanuhu uu qirto falka uu sameeyey, ogolaadana in maxkamadda qaab qoraal ah loo xaliyo. Sidoo kale qofka dhibanaha ah ee dambiga laga galay waa in isagana laga helo ogolaansho uu ogolaanayo qaabkaas qoraalka ah marka lagu jiro dambi baadhidda hore. Sidoo kale dhibanuhu wuxuu ku soo gudbin karaa qaab qoraal ah, magdhowga uu isagu dalbanaayo. Waase in uu qoraal ahaan u soo gudbisto.
Warbixin ku saabsan maxkamad qaadista waxaad tusaale ahaan ka helaysaa bogga internetka .
Xukunka iyo rafcaan ka qaadashadiisa
Maxkamadda darajada kowaad waxay isla marka fadhiga maxkamaddu uu dhamaado ku dhawaaqaysaa xukunka ama waxaa laguu sheegayaa wakhtiga xukunku soo bixi doono ee lagu siin doono. Qaababka qoraal ahaanta ah fadhiyada maxkamada ee loo gudo galo waxaa maxkamadda darajada kowaad ay u dirtaa xukunka kiiska, darafyada ay arintu khusayso.
Maxkamadda darajada kowaad go’aankeeda xukunka ah waxaad uga rafcaan qaadan kartaa maxkamadda rafcaanka. Sida badan waxaad u baahan kartaa in lagu siiyo ogolaansho kiiska dib loogu noqdo, si markaa ay maxkamadda rafcaanku kiiska si buuxda mar kale u guda gasho oo dib ugu noqoto fadhigiisa.
Haddii aadan ku qanacsanayn xukunka, waa in aad u sheegto maxkamadda darajada kowaad todobaad gudihiis oo ka bilaabanaysa maalinta go’aanka la gaaray. Warqadda rafcaanka waa in aad ku keento maxkamadda darajada kowaad 30 casho gudaheed oo ka bilaabanaysa maalinta xukunka lagu dhawaaqay. Warbixino talooyin ah oo ku saabsan qaabka rafcaanka loo qaato waxay ku lifaaqan yihiin xukunka maxkamada darajada kowaad ee lagu siiyo.
Caawimaad iyo taageero
Adeegyada caawimaadda ah
Qofka dambiga laga galay wuxuu u baahan karaa caawimaad dhakhtar ama adeegyada kale ee bulshada iyo daryeelka caafimaadka, sida gargaarka deg-dega ah ee heeganka arimaha bulshada, daryeel caafimaad iyo baxnaanin jir ahaan iyo maskax ahaanba leh. Dhibanuhu wuxuu u isticmaali karaa adeegyadan sida dadka kaleba ay u isticmaali karaan.
Hay’addo badan ayaa dadka dambiyada laga galo ugu deeqa taageero, talo-bixin iyo hagisba. Xarunta gargaarka deg-dega ah ee dadka dambiyada laga galo ayaa waxay bixisaa caawimaad ku aadan dhammaan noocyada dambiyada iyo heerarka dambiyadu ay maraan, waxay sidoo kale bixisaa talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan sidii uu qofka la dulmiyay xaqiisa u raadsan lahaa. Dadka ayaga ay dulmiga u geeystaan dadka u ehelka ah ama sokeeyahooda ah waxay dhawritaan badbaadin iyo taageerooyin ah ka heli karaan xarumaha magangelinta ee loo yaqaan Guryaha ammaanka (Turvakodit). Magaalooyinka qaarkood waxaa ka jira caawimaad khaas ah oo loogu talogalay dadka loo geeysto xadgudubka xagga jinsiga ama galmada ku saabsan iyo caawimaad khaas ah oo u gaar ah haweenka ajaanibta ah. Dadka iyagu ah dhibanayaal soo maray ka ganacsiga dadka, waxay leeyihiin nidaam u gaar ah oo lagu caawiyo, nidaamkaas oo ay ugu gudbi karaan markay buuxiyaan shuruudaha u yaal ee laga rabo.
Haddii qofka dhibanaha ah uu bixiyo ogolaansho, booliska ama qofka hawl-wadeenka ah ee dambiga baaraaya ayaa wuxuu u gudbinayaa warbixinta iyo meesha dhibanaha laga helo xarumaha caawimaadda bixiya, kuwaas oo qofka dhibanaha ah la soo xiriiraaya.
Qof ku caawiya
Qofka dhibanaha ah wuxuu isticmaali karaa qofka taageere u ah oo la socda marka uu ku dhex jiro heerarka kiiska dambiga ah marayo. Qofka dhibanaha ah wuxuu codsan karaa qofkii uu isagu doono inuu u noqdo taageere la socda. Tusaale ahaan xarunta gargaarka deg-dega ah ee dhibanayaasha dambiga laga galo caawisa (Rikosuhripäivistys) ayaad ka heli kartaa qof taageere ah oo lacag la’aan kuu ah, qofkaas oo ah qof hawshiisa loo tababaray. Qofka taageeraha ah wuxuu joogi karaa oo kula fadhin karaa waraysiyada iyo fadhiyada maxkamadaha, inkasta oo loo diidi karo ama la xadidi karo inuu kula joogo oo uu kula fadhiyo heerarka iyo goobaha qaarkood.
Caawimaad dhinaca sharciga maxkamadaha ah
Qofka dhibanaha ah wuxuu xaq u lee yahay inuu isticmaalo qareen dhinacca sharciga ka caawiya oo la qora dacwadda dambiga laga galay, lana jooga waraysiyada iyo fadhiyada maxkamadda. Caawiye dhinacca sharciga ah waxaa kuu noqon kara looyar khaas ah, ama qof ka shaqeeya xafiiska dhinacca sharciyada ee dadweynaha oo ah qareen dhinacca sharciyada dadweynaha ka caawiya ama qareen haysta ogolaanshaha fadhiyada maxkamadaha.
Dadka dakhliga yar soo galo iyo kuwa dakhligoodu dhexdhexaadka yahay waxaa u suurtagal ah inay dawladdu siiso caawimaad dhinacca sharciga ah. Markaas oo qareenka mushaarkiisa ay qayb ahaan ama gebi ahaan dawladdu bixinayso. Caawimaadda dhinacca sharciga ah waxaa ka codsan kartaa xafiiska dhinacca sharciyada dadweynaha ka caawiya ama waxaad isticmaali kartaa adeegyada internetka. Qofka dhibanaha ah wuxuu sidoo kale codsan karaa oo ka dalban karaa caawimaada dhinaca sharciga ah xafiiska qareenada.
Xafiiska dhinaca sharciyada dadweynaha ka caawiya ayaa baaraya marka hore xaaladda dhaqaale ee codsadaha iyo dakhliga soo gala. Caawimaadda dhinaca sharciga ah waxaa tusaale ahaan ka mid ah talo bixin iyo in ay fadhiga maxkamadda kaa caawiyaan. Caawimaadda dhinacca sharciga ah waxaa heli kartaa dhamaan heerarka kiiskaagu uu marayo oo dhan.
Fadhiga maxkamaddu wuxuu isaga oo shuruudaha qaarkood raacaya u xukumi karaa dhibanaha qareen caawiya iyo qof caawiye u ah marka ay soo wajahaan dambiyada ay ka midka yihiin kuwo ehelkiisa sokeeyaha u ah uga yimid, kuwo xadgudub xagga jinsiga ama galmo la xiriira ama kuwo naftiisa, caafimaadkiisa iyo xornimadiisa ku wajahan, markaas oo aan loo eegayn dakhliga soo gala dhibanaha. Kharashkana dawladda ayaa bixinaysa iyadoo aan la eegayn dakhliga soo gala dhibanaha.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka helaysaa ciwaankan oikeuspalveluvirasto.fi/oikeusapu.
Turjimid hadal iyo qoraal ahaan ah
Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in marka boolisku samaynaayo dambi baarista iyo fadhiga maxkamaddaba uu ku hadlo afka finishka ama kan iswidhishka. Dadka reer Saamiga ah marka ay degaankooda joogaan waxay xaq u lee yihiin inay afkooda saamiga ah isticmaalaan. Hawl-wadeenada dawladdu waa in ay markii loo baahdo soo diyaariaan turjubaan.
Qofka luuqad kale ku hadla oo dhibane ah waa in loo ogolaado dhammaan xaaladaha ku saabsan dambi baarista inuu ku hadlo luuqadda uu garanaayo. Haddi loo baahdo hawl-wadeenada dawladdu waa in ay dhibanaha u diyaariyaan turjubaan luuqaddiisa garanaaya. Turjubaanka waxaa saaran waajibaad sir qarin ah. Turjubaanka kharashkiisa ama mushaarkiisa waxaa bixinaaya dawlada.
Qofka dhibanaha ah ama dambiga loo geeystay wuxuu codsan karaa in dokumentiyada meelahooda muhiimka ah loo soo turjumo. Turjumida waxaa loo siin karaa qaab afka ah oo turjubaan waraaqaha u akhrinaayo, waase haddii aan sharciga dhawrista xuquuquhu markaas qorayn in dokumentiyada qoraal ahaan loogu soo turjumo. Xaaladdaha qaarkood qofka dhibanaha ah waxaa dhacda in dokumentiyada qaar loo soo turjumo ama dokumentiyada inta la soo koobo loo soo turjumo. Baaritaanka hore ee booliska dhibanuhu wuxuu heli karaa in loo soo turjumo dacwadda xoojinteeda qoraalka ku saabsan, go’aamada lagu joojinayo baaritaanka dacwadda iyo hadii loo baahdo wixii kale oo arimo ah oo la is oran karo waa qoraalo muhiim ah. Xeer ilaaliyaha ayaa wuxuu u diri karaa qofka dhibanaha ah go’aamo uu soo turjumay oo ku saabsan inuusan kiiska qofka dambiga galay kusoo eedaynayn. Fadhiga maxkamadda dhibanuhu wuxuu ka heli karaa warbixinaha ku saabsan waraaqihii oo loo soo turjumay wakhtiga fadhiga maxkamadda la qaadayo iyo goobta maxkamaddu ka dhacayso, iyo xukunka oo turjuman iyo haddii loo baahdo wixii kale oo kiiska xagiisa loo arko inay yihiin muhiim.
Badbaadinta dhibanaha
Hawlaha la xiriira badbaadinta
Mararka qaarkood dhibanaha waxaa noloshiisa hareereynaya cabsi, aargoosasho ama dhibaatooyin iyo rafaad la xiriira maraaxisha baaritaanka kiisku maraayo. Hawl-wadeenada dawladda ayaa qiimeeynaaya dhibanuhu baahida gaarka ah ee uu u baahan yahay in la ilaaliyo inta uu socdo baaritaanka hore ee booliska iyo fadhiga maxkamad qaadista, iyo sidoo kale inay daraaseeyaan hawlgalada loo baahan yahay in lagu dhawro ama sida loo ilaalinayo. Qiimeyntaas waxaa lagala shaqeeyaa dhibanaha, waxaana la eegaa oo tixgelin la siiyaa sida uu yahay dhibanaha iyo shakhsiyadiisa, xaaladda uu ku jiro iyo dambigu inta uu le’eg yahay.
Baaritaanada hore ee booliska qaabka hawlgal ee qofka loo ilaalinaayo waxaa loo fulinayaa qaab aysan si aad iyo aad ah dib u dhac ugu samaynaynin kiiska falanqayntiisa ama aysan wax kale oo dhibaato ah keenayn. Qaabka qofka loo ilaalin karo waxaa ka mid ah in si gaar ah loo soo qorsheeyo goobta qofka lagu waraysanaayo. Haddii aad codsato waxaa suurtagal ah in waraysiga uu kula yeesho hal qof kaliya ama dad isku mid ah ay ku waraystaan, ama qofka dhibanaha ah qof la jinsi ah ama la mid ah uu waraysto.
Fadhiga maxkamad qaadista dhibanaha waxaa dhici karta in xaaladaha qaarkood lagu waraysto meel aan wajigiisa la arkayn ama fiidiyoow, ama meel aysan joogin eedaysanaha ama dad shacab ah oo maxkamada dhagaysanaya. Qofka dhibanaha ah waraysiga lala yeelanaayo waxaa dhici karta in xaaladaha qaarkood laga duubo fiidiyoow oo hadhowna ay maxkamaddu fiidiyowgaasi markhaati ahaan u isticmaasho, taasna waxay dhacdaa tusaale ahaan marka qofka dhibanaha ah ay da’diisu ka yar tahay 18-sano jir.
Si dhibanaha arimihiisa u gaarka ah loo ilaaliyo waxaa fadhiga maxkamaddu xaaladaha qaarkood kiiska la guda galayaa, iyadoo aan dadweyne fadhin goobta, sidoo kalana waxaa dhici karta in amar lagu bixiyo in dokkumentiyada maxkamadda iyo xukunka intii loo baahdo laga dhigo sir la xifdiyey. Dhibanuhu isaga ayaa arinta laga soo hadlay maxkamadda ka codsan kara. Fadhiga maxkamaddu wuxuu arimaha qaarkood go’aamin karaa sidoo kale in warbixinta ku saabsan shakhsiga dhibanaha ah laga dhigo sir la xifdiyey. Arimaha noocaas ah waxaa ka mid ah tusaale ahaan dambiyada xagga jinsiga ama galmada la xiriira.
Fadhiga maxkamaddu wuxuu arimahan laga soo hadlay ee ah qaabka maxkamad qaadistoodu u dhacayso iyo hawlaha ilaalinta la xiriira u falanqeeyaa mar kasta si gooni-gooni ah iyaga oo tixraacaya ama eegaya mar walba kiiska, iskana dhawraya in qofka dambiga galay ee is difaacaya aan xaqiisa lagu tuman oo xadgudub lagu samayn. Fadhiga maxkamaddu go’aanka uu gaaro ee dambe wuu ka duwanaan karaa wixii markii hore lagu fakaray ee arinta loo haystay.
U soo dhawaansho la’aan
Haddii qofku uu dareemayo in uu khatar ama dhibaato soo gaareyso, qofka dhibaatada ama khatarta ku haya waxaa lagu soo rogi karaa arinka ah u soo dhawaansho la’aanta (läheystymiskielto). Diidmada in qof uu qof kale u soo dhawaado waxaa go’aankeeda leh maxkamadda darajada kowaad. U soo dhawaansha la’aanta ku meelgaarka ah ee ah mid islamarkiiba dhaqan galaysa waxaa laga codsan karaa booliska. Dhammaan wixii hanjabaad ah ee qofka kale kuu soo jeediyo oo caddaymo ah waa in aad keydsato.
Haddii qofka la siiyey warqadda ah in aan qof kale usoo dhawaan karin uu u guuro wadan kale oo wadamada ururka midowga yurub (EU) ku bahoobay ka mid ah, oo uu dareemo inuu wadankaas dhexdiisa u baahan yahay ilaalintii iyo dhawritaankii, wuxuu isla wadankaas ka dalban karaa diidmadii ahayd inaan qof kale u soo dhawaan karin oo maxkamaddaas kale oo reer yurub ayaa siinaysaa warqadii dhawritaanka ahayd.
Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka helaysaa ciwaankan poliisi.fi iyo oikeus.fi.
Arimo kale
Xaaladdaha hanjabaadaha khatarta ah ay la socdaan dhibanuhu wuxuu sidoo kale codsan karaa in la qariyo oo sir laga dhigo halka laga helo, oo lagu soo rogo diidmada ah in cid aan dawladda ahayn aanay heli karin xogtiisa amase in magaca iyo lambarka aqoonsiga gebi ahaanba laga badalo. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa hawl-wadeenada dawladda ama xarunta caawimaadda adeegyada dhibanayaasha.
Dambiyada culculus ee khatarta ah qaarkood dhibanuhu wuxuu xaq u leeyahay shuruudaha qaarkood haddii uu codsado, in loo sheego oo lala socodsiiyo qofka maxbuuska ah ama baaritaanka u xiran haddii la soo daayo, ama uu xabsiga ka baxsado iyo waliba mararka qaarkood markii xabsiga laga sii daayo. Haddii uu dhibanuhu rabo in la soo ogeysiiyo, waa in uu u sheego hawl-wadeenada baaritaanka hore wada ama xeer-ilaaliyaha kiiska dambiga ah baaraya oo gacanta ku haya. Shaqaalaha ama booliska wada baaritaanka kiiska ayaa arintan kaa siinayaa faahfaahin sugan.
Magdhawyada
Magdhawga khasaare
Haddii fadhiga maxkamaddu uu ku xukumay qofka dambiga sameeyey inuu bixiyo magdhawyo lacag ah, waxaa lagula heshiinayaa nidaamka iyo wakhtiyada uu lacagta bixinaayo ama waxaa loo dirayaa qolyaha dadka lacagaha ka qaada inay hawshaas galaan oo lacagta ka soo qaadaan. Koobiga go’aanka maxkamaddu ay gaartay oo lacag la’aan ah, kaasoo laga soo qaaday xoghaynta maxkamadda iyo codsiga qolada dadka lacagta ka soo qaadda ayaa waxaa loo wada dirayaa waaxda dadka lacagaha ka soo qaada. Waxaad sidoo kale xafiiska weydiin kartaa talooyin faahfaahsan oo ku saabsan sida magdhawyada loo codsado.
Magdhawga waxaad sidoo kale ka qaadan kartaa Khasnadda dawladda ee la yiraahdo Valtiokonttori, ama shirkadda caymiska ama xafiiska Kela-da. Sida ay suurtagal kuugu tahay inaad hesho magdhow marba waa si, oo wax la hubo maaha, sidaas aawadeed kiis kasta waa goonidiisa.
Magdhawyada hantida dawladda laga bixiyo
Dhibanaha dambiga laga galay waxaa hantida dawladda laga siin karaa kharashyada magdhawyada ee dambiga loo geeystay u keenay. Magdhawyada waxaa laga bixiyaa guud ahaan waxyeellada qofka soo gaarta iyo silica ku dhacay. Magdhowga kharash ahaanta looga bixiyo hantida khasnada dowladda, waa mid ku salaysan sharciyada dambiyada waxyeellada ah, bixintoodana waxaa ku shaqo leh khasnada dawladda.
Si magdhawga uu u helo dhibanaha dambiga laga galay waa in uu dambiga laga galay booliska u gudbiyo. Haddii kiiska maxkamadda la geeyo waa in dhibanaha dambiga laga galay uu u soo bandhigo maxkamadda dhexdeeda magdhawyada uu ku soo oogayo qofka dambiga ku sameeyey. Magdhawga waxaa la soo codsan karaa saddex sano gudahood markii kiiska dambiga ah laga gaaro go’aan sharciga waafaqsan oo dhaqan galkiisu ansax yahay. Haddii kiiska aan maxkamad la hor geyn, magdhawga waxaa lagu soo codsan karaa toban sano gudahood markii kiiska dacwaddiisa la furo. Magdhawga waa la codsan karaa, xataa haddii xukunku uusan ahayn mid dhaqan galaya.
Magdhawga waxaa loo xukumaa mabd’a ahaan sida ku cad sharciyada magdhawyada waxyeellooyinka ee ay dawladdu horay u qoondaysay, laakiin waxaad ogaataa in sharciga dambiyada waxyeellooyinka ku yimaada uu meelaha qaarkood kaga duwan yahay waxyaalaha lagu tibaaxay sharciyada magdhawyada waxyeellooyinka ama khasaaraha la isu geysto. Haddii khasnadda dawladdu magdhawga ay ku siisaa uu ka duwanaado kii ay maxkamaddu kiiska mag-dhawgiisa kuu xukuntay, go’aanka ay gaartay khasnadda dawladdu wuxuu ku salaysan yahay sababaha ay u cuskadeen ka duwanaanshahooda.
Magdhawga hantida dawladda laga bixiyaa waa mid kabis ah oo markii meel kale aad wax ka weydo lagu siinaayo. Waxaana laga jarayaa wixii uu dhibanuhu ka helay ama ku heli doono qaabka kale oo sharciga ah ama shirkad caymis ah ay siinayso. Waxaa kaloo laga jaraa magdhawga uu ka helay ama uu siiyey qofka dambiga galay kan uu denbiga ku sameeyey ee dhibanaha ah. Mag-dhawga si uu u helo dhibanuhu looma baahna inuu isuku dayo ama isagu marka hore ka raadsado qofka dambiga sameeyay.
Hantida khasnada dawladda magdhawyada laga bixiyo waxaa laga codsadaa Khasnada dawladda (Valtiokonttori). Codsiga waa in aad ku soo lifaaqdo go’aankii xukunka ahaa ee ay maxkamaddu ku gaartay ama boolisku waraaqihii qoraalka baaritaanka hore ee dambiga ku soo ururiyeen iyo sidoo kale caddaymihii dhakhtarka iyo caddayn lagu kalsoonaan karo oo sheegeysa inta waxyeelladu le’eg tahay. Foomamka codsiga iyo faah-faahin dheeraad ah waxaa ka heli kartaaa cinwaanka internetka ee bogga Khasnaddaa dawladda.
Halka lagala soo xiriiri karo
Fiiro gaar ah u yeelo in macluumaadka guud ahaan lagu helo oo kaliya af finnish, af swidhish iyo af ingiriis.
Adeegyada hawl-wadeenada dawladda
- Booliska : Warbixino ku socda dhibanaha dambiga laga galay, saldhigyada booliska halka laga helo, iyo foomka gudbinta dacwooyinka. Arimaha deg-dega ah: wac 112.
- Lambarka guud ee gargaarka deg-dega : ah waa 112
- Dhibbaneyaasha loo geystay falal dambi ah : (rikoksen uhrille) Qoraalo bandhigyo ah iyo macluumaad ku socda dhibbaneyaasha dambiyada.
- Caawmaadda sharciga : Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan caawimaadda sharciga iyo macluumaadka xidhiidhka.
- Mudduci : Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xarunta mudduciga iyo macluumaadka xidhiidhka.
- Maxkamadaha : Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan xarumaha maxkamadaha iyo macluumaadkooda xidhiidhka.
- Khasnadda dawladda : Warbixino ku saabsan ka magdhawyada waxyeellooyinka dambiyada ee laga bixiyo hantida dawladda iyo sida loo dalbado magdhawyadaas, iyo foomka lagu codsado. U adeegga macaamiisha oo dhinaca internetka iyo teleefoonn ahaanba, teleefonka 0295 50 2736.
- Xafiiska dhexdhexaadinta : Warbixino ku saabsan dhexdhexaadinta arimaha dambiyada iyo isqab-qabsiga ku saabsan. Iyo meelaha aad kala xiriiri karto xafiiska dhexdhexaadinta.
- Adeegyada arimaha bulshada- iyo caafimaadka : Warbixino ku saabsan arimaha bulshada iyo caafimaadka ee degmooyinka. Dhibanaha dambiga laga galay wuxuu u isticmaali karaa adeegyadan sida caadiga ah ama shuruudo la mid ah kuwa ay ku isticmaalaan macaamiisha kale.
- Xarumaha kaalmeynta ama caawimaadda lagu siiyo dhibbaneyaasha jidh dil jinsi ah loo geystay ee SERI : Macluumaad ku saabsan caruma taageerada laga helo adeegyada aay bixiyaan iyo linkiyada xarumaha taageerada.
- Adeegyada Guryaha ammaanka : Warbixino ku saabsan adeegyada guryaha ammaanka, guryahaas oo ah kuwo qofka dagaal iyo hanjaabadu ay la soo gudboonaatay uu ka helo badbaadin ama caawimaad lagu joojinayo dagaalkii la soo gudboonaaday. Meelaha laga helo adeegyada ay bixiyaan guryaha ammaanka ee afar iyo labaatanka saac furan, kuwaas oo qaarkood ay yihiin kuwo degmooyinku ay maamulaan, qaarna ururo ayaa gacanta ku haya.
- Barnaamijka lagu caawiyo dadka ah dhibanayaal qaab ka ganacsiga dadka ah soo maray : Warbixino ku saabsan nidaamka ama barnaamijka lagu caawiyo dhibanayaasha gacanta u galay dadka ayagu dadka soo tahriibiya ama ka ganacsada dadka iyo sida barnaamijkaas caawimaadiisa lagu helo, teleefonka. 029 546 3177.
Adeegyada caawimaadda ee ururada ama hay’addaha
- Xarunta gargaarka deg-dega ah ee dhibanayaasha : Caawimaad ama taageerooyin loogu talagalay dhibanayaasha dambiga laga galay, markhaatiyaalka iyo dhibanayaasha eheladooda sokeeye. Heerarka dambigu maro caawimaad la xiriira iyo talooyin uu helayo kan dhibanaha ah oo ku saabsan sidii xaqiisa uu ku heli lahaa. Teleefon caawimaad kuula diyaar ah oo dalka oo dhan ah, looyaro teleefonka talooyin kugu siinaya, caawimaad adeeg oo internetka ah, adeegga chat-ka ah. Qaab adeeg ku saleysan hadba degmada uu qofku degan yahay, kaasoo ah in laguu sameeyo qof caawiye ah. Teleefon ku caawinaya 116 006 (soo wicitaanka lambarkaan waa lacag la’aan), Teleefonka sharci yaqaannada talo bixinta qaabilsan waa 0800 161 177 (soo wicitaanka lambarkaan waa lacag la’aan).
- Laynka eberka ah (Nollalinja) : Waa telefoon lacag la’aan ah oo afar iyo labaatanka saac todobada maalmoodba (24/7) lagu taageero dadka ehelkooda sokeeye kala kulmay dagal iyo garaacis iyo haweenka dhibanayaasha ah ee dilista jir ahaaneed loo geystay. Teleefon. 080 005 005.
- Ururka Caawimaadda- iyo guryaha ammaanka : Adeegga guryaha amaanka ee loogu talagalay qoyska ama dadka ehelkooda kala kulmay dagaal ama hanjabaad, kuwaas oo u baahan caawimaad sidii ay dagalkaas ama hanjabadaas uga bixi lahaayeen, isla markaana loo siin lahaa goob ay si ku meelgaar ah ugu nolaadaan. Adeeggan furan ee caawimaadda waa mid lagu xalinaayo xaaladda qoyska ee dagaalka kaliftay iyo sidii dhibka taagan looga bixi lahaa. Teleefonka talo bixinta, caawimaad taageero oo ah la sheekaysi ay shaqaale ku takhasusay hawlaha dagaalka qoyska la yeelanayaan dhibanaha, guruubyo dhibka ku haystaa soo maray oo la isu keenaayo si ay u wada sheekeystaan, ama guriga aad dagan tahay oo lagugu caawinaayo.
- Guriga ammaanka ee dhinaca internetkiisa : Adeegga internetka ee guriga ammaanka Ensi-ja turvakoti, wuxuu caawimaad diyaar ula yahay dhammaan dhinacyada is dagaalay oo dhan.
- Xarunta gargaarka deg-dega ah ee dumarka la kufsado Tukinainen : Caawmaad taageero iyo hagitaan loogu talagalay dadka kufsiga xoogga ah lagu sameeyo ama qaab aan sax ahayn loo isticmaalo iyo dadkaas ehelkooda. Sidoo kale waxaa jira adeegyo caawimaad ah oo internetka ah. Telefeooka dadka dhiban ee gargaarka deg-dega ah u baahan 0800 97899, teleefonka arimaha deg-dega ah ee looyarada 0800 97895.
- Ururka haweenka ee Monika ry (Monika-Naiset liitto ry) : Adeegyo marin gaaban loo maro, talo bixinno dhinaca sharciga ah iyo adeegyo ammaanka guryaha ku saabsan oo loogu talagalay haweenka ajaanibta ah ee dalkan u soo guuray iyo carruurtooda dagaalka loo geysto. Caawimaad lagu sharraxaayo luqado kala duwan, sidoo kale waxaad halkaa ka helaysaa adeegga ah in laguu qabto qof ku caawiya. Teleefonka caawimaada bixiya 0800 05058, guryaha qoysaska lagu ammaan geliyo ee Mona teleefonkooda 045 639 6274 (24ka saacba furan).
- Khadka haweenka Naisten Linja : Talo bixin iyo taageero ku wajahan haweenka iyo gabdhaha ka wal-walsan dagaal lagu hayo. Warbixino ku saabsan oo ku jira internetka iyo teleefon ahaan kuwo aad ku helayso, teleefonka waa 0800 02400.
- OGEYSIIS – Ururka ehelada dhibanayaasha dambiga laga galay : Waa caawimaad ah in loo qabto ehelada dhibanayaasha dambiga laga galay, dad dhibka haya mid la mid ahi soo maray oo caawiya Tel. 050 401 2230.
- Ururka caafimaadka dhimirka ee Finland : Caawimaad ku saabsan dhibaatooyinka culus ee nolosha. Telefeonka arimaha deg-dega ah 09 2525 0111.
- Arimaha dhibka leh ee masiibada ah ee dhinaca internetka : Caawimaad loogu talo galay dhibka iyo masiibooyinka xaaladaha deg-dega ah ee nolol- maalmeedka.
- Ururka loo yaqaan Suvanto ry – oo wada arimaha waayeelka badqaba : Caawimaad kooxo dhibka ku haysta oo kale soo maray iyo caawimaad looyar oo la siiyo dadka waayeelka ah oo sida xun loola dhaqmo iyo hawlo ka soo horjeeda dagaalka. SUVANTO-linja, khadka teleefonka caawimaadda bixiya 0800 06776.